Wararka RW Rooble oo Kismaayo kula kulmay Siyaasiyiinta Jubbaland ee Gobolka Gedo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ayaa kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Kulankaas ayaa war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo muddo badan ay isku hayaan dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha dib u heshiisiinta Gobalka Gedo si loogu qabto Magaalada Garbahareey doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Maanta uu Magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigo mshaariic ay dowladda Soomaaliya ka fulineyso halkaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana gobolka Gedo maamulkiisa muddo dheer isku hayay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.