Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Qalimow

Wararka aan ka heleyno degaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degaankaasi xalay fiidkii ay ka dhacday Duqeyn culus oo ay geysteen diyaarado dagaal.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen guuxa diyaarado dagaal, daqiiqado kadibna ay xigtay maqalka dhawr gantaal oo lala helay goobo banaanka ka ah degaanka Qalimow.

Warar madax banaan ayaa sheegaya Duqeyntan in lala beegsaday dagalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab, oo shalay gelinkii dambe la wareegay Qalimow, balse inta aysan duqeynta dhicin ka baxay degaanka.

Shabaabka la wareegay Qalimow ayaa salaadii maqrib dadka shacabka ah kula tukaday Masjidka ugu weyn degaanka, intaasi kadibna saraakiil Shabaab oo hadashay shacabka ay u sheegeen in aysan wax xiriir ah la yeelan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiinta Hirshabeelle oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan duqeyntan, balse waxay xaqiijiyeen duqeyntan in lala beegsaday xoogag ka tirsan Shabaab.