Wararkii ugu dambeeyay Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam oo is qarxiyay

Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam, Abuubakar Shekaw ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekaw uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray ka dib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekaw uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday ka dibna la arkay.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Cod la soo duubay oo aanan la ogeyn xilligga la duubay ayaa loo maleynayaa in uu yahay hoggaamiyaha garabka la baxay dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika (Iswap ), Abu Muscab Al Barnawi, oo sheegayo “In Abuubakar Shekau uu si degdeg ah isku qarxiyay ka dib markii uu isku xiray waxyaabo qarxa.”

“Dagaalyahannada Iswap ayaa baacsanayay dagaal oogaha, isla markaana siiyay fursad ah in uu ka tanaasulo fikraddiisa, si uu ugu biiro kooxda,” ayaa lagu yiri codka laga soo duubay Al Barnawi.

“Shekau ayaa doorbiday in iska takhaluso intii uu isaga lagu bahddili lahaa dunida,” ayaa yiri qofka codkaas soo duubay.