Wararkii ugu dambeeyay qarax lala eegtay askar Kenyan ah

Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya ayaa ku dhintay qarax ka dhacay meel ku dhaw Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari, sida ay sheegeen masuuliyiinta dhanka ammaanka.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay qabsatay mid ka mid ah gaadiid ay wateen ciidamada Kenya, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Ijaara oo hoostagga Magaalada Garissa.

Laba askari oo Kenyan ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, waxaa sidoo kale dhaawacmay saddex kale, sida uu Warbaahinta u sheegay Isku duwaha dhanka ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax.

Ciidanka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray hawl maalmeedkooda caadiga ahaa, waxaana la sheegay ciidan kale oo Kenyan ah inay u gurmadeen, markii uu qaraxa uu dhacay.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari.