Wariye lagu dhaawacay Gaalkacyo

Sidda  ay Radio Baidoa u sheegeen Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland waxaa halkaasi lagu dhaawacay Wariye Maxamed Cali Siyaad.

Maxamed Cali Siyaad ayaa ah Agaasime ku xigeenka Idaacadda Radio Gaalkacyo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu ka mid ahaa Koox wariyeyaal ah oo casuumay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Mudug, si uu u bixiyo Wareysi ku saabsan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay markii ay tageen halkaasi in dhagax weyn in uu Madaxa kaga dhuftay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

Qeybta Sare Madaxa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac, waxaana la sheegay in hadda Xaaladiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay.