Wasaarada Caafimaadka K/Galbeed oo Dawwo Gaarsiisey Cisbitalka Degmada Afgooye

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Dr Husein Mohamed Daahir Oo Dawo ah Gaarsiiyey isbitaalka Guud degmada Afgooye.

Dr Husein Mohamed Daahir Agaasimaha Wasaaradda Oo Hawlo shaqo Ujooga Gobolka Shabeelaha hoose ayaa in kabadan 100 Kartoon Oo Dawooyin Kaladuwan ah Gaarsiiyey isbitaalka Guud ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Kajirtey Dawo La’aan.

Agaasimaha ayaa Dawada Kuwareejiyey Maamulka Cisbitaalka Degmada Wuxuuna sidoo Kale Kawareystey baahiyaha Kale ee Kajira Xaruumaha Caafimaad ee Degmada Afgooye.
Maamulka Degmada Afgooye iyo bahda Caafimaadka ayaa Wasaaradda iyo Agaasimaha uga Mahad Naqey Dawada ay soo gaarsiiyeen isbitaalka Degmada Oo Kajirtey Dawo La’aan, Waxayna umahad Celiyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo gaarsiiyey.