Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KG oo 100 Qoys danyar ah Xoolaha u Daweyneysa

Wasaaradda Zanaanada xoolaha Dhirta & Daaqa DGKS oo kaashaneysa Hay’adda Save The Children Xafiiskeeda Baydhowa ayaa maanta ka daahfuray Baydhowa mashruuc ilaa 100 Qoys oo dan yar ah loogu Daweynayo Xoolahooda.

Wasiirka Wasaaradda ayaa uga Mahadceliyey Hay’adda Save sida sharafta leh ee ay ula shaqeynayaan Wasaaradiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay marwaliba u taagantahay ka warqabta Caafimaadka Xlolaha.

Mashruucan ayaa ka faaiideysan doona Dadkaasi danyarta ah ee ku dhaqan Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Baydhowa.