Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq u dirtay madaxda dowlad goboleedyada

Sida la wada ogsoon yahay waxaa 8-ii September 2018, uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyada inay ka soo wada qeyb galaan shir wadatashi ah oo looga wada xaajoonayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse maamul goboleedyada ayaa shirkaasi qaadacay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay gogoshii uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya in weli ay sideedii tahay, islamarkaana dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay dhageysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ee jira.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay markale ku baaqday in doorashooyinka baarlamaanada iyo madaxda maamul goboleedyada ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay, una dhacaan si daah-furnaan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.