Wasaaradda arrimaha gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada degmooyinka gobalka Banaadir

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo xirtay Shir looga hadlaayo Khariiradeynta Khilaafyada degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo Muddo Saddax maalin ah soconaayay ayaa looga hadlay Xog ururin ku saabsan Khilaafyada kajira degmooyinka iyo deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhallinyarada ka kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.