Wasaaradda Caafimaadka KG oo Deeq Dawwo Gaarsiisey Cisbitalka Degmada Diinsoor

Wasaaradda Caafimaadla Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kaashaneysa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Ayaa Dawo Gaarsiiyey Xaruumaha Caafimaadka ee degmada Diinsoor Gobolka Baay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr Husein Mohamed Daahir ayaa Hay’adda WHO Ugu Mahad Naqey Dawada ay gaarsiiyeen Degmada Diinsoor.

Wasaarada Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ma aha markii ugu horreysey oo ay deeq Dawwo ah ay gaarsiiso Cisbitaalada ku yaalla Degmooyinka Koonfur Galbeed, Todobaadkan Gudihiisa ayey sidan oo kale Deeq Dawwo ah u gaarsiisey Cisbitaalka Degmada Afgooyo oo Dawwo la’aan ka jirtey.