Wasaaradda Caafimaadka KG Oo Qalab Caafimaad lawareegtey

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Hay-ada NRC kala wareegtey Qalab lagu baarayo Cudurka Maleeriyada. Qalabkaasi oo loogu talagaley in la gaarsiiyo Dhamaan Xaruumaha Caafimaad ee ay Maamusho Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Si bulshada loogu adeego Loona yareeyo Cudurka maleeriyada ,

Qalabka Caafimaad Ayaa waxaa Hay-ada NRC kala wareegey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Dr Xuseen Maxamed Daahir

Qalabkan Caafimaad ee maanta ay lawareegtey Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa dabooli doona baahiyo badan oo ka jirey Cisbitaalada Deegaanada Koonfur Galbeed mana ahan markii ugu horreysey ee Hay,adda NRC ay Caawinaad ka geysato Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.