Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaaa shaacisey 10 Ruux oo kunoolaa Buuhoodle inay u geeriyoodeen cudurka shiban biyoodka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in in ka badan 10 Ruux ay saacadihii la soo dhaafay cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan Magaalada Buuhoodle.

Dadka Cudurkaas u geeriyoodey ayaa kala ah Sideed Carruur ah iyo laba qof oo weyn,waxaana dadka intooda badan ay ku dhinteen deegaanka Widhwidh oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Buuhoodle.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xirgeeye, ayaa maanta Warbaahinta sidaasi u sheegay,isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay weli wado baaritaano kale.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay gargaar Caafimaad gaarsiin doonto deegaannada hoostaga Magaalada Buuhoodle oo uu Cudurka Shuban biyoodka ka dilaacay.