Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka KG ayaa Manta Qabatay Munaasabad Looga Hadlaayay JOOJINTA XAD GUDUBYADDA LOO GEYSTO HAWEENKA

Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Galbeed Somalia ayaa Manta Qabatay Munaasabad Looga Hadlaayay JOOJINTA XAD GUDUBYADDA LOO GEYSTO HAWEENKA
Munaasabada Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Abdiasiis Lafta’gareen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Abdikadir Shariif Sheikunaa Maye
Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere
Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Xildhibaano Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Baay
Gudoomiyaha Haweenka Dagmadda
Gabdhaha Aqoonyahanada Kgs
Abwaan Maki Xaji Benadir
Iyo Ururadda Bulshada Rayidka Ee Ka Jira Deeganada Koonfur Galbeed Somalia

Madaxweyne Abdiasiis Oo Qudbo Qiimo badan Halkaasi Ka Jeediyay Ayaa Wasiiradda Haweenka ku Amaanay Shaqada Wanaagsan Ee Ay U Heyso Haween Weynaha Kgs
Madaxweynaha ayaa Sheegay In Qof Walba Oo Ku Xad Gudba Haweenka Lala Tiigsan Doono Sharciga Sidoo Kale Wuxuu Hey’adaha Ku Shaqada Leh Shaqaaleenta uu Amray Iney Haweenka Fursadaha Ugu Horeeyo Ay Siiyaan Si Ay u Helaan Shaqooyinka Sarsare

Gudoomiye Abdikadir Sharif Oo Asigana Qudbo Qiimo badan Jeediyay Ayaa Schoollaadka Ka Codsaday Iney Waxbarasho Lacag La’aan ah Siiyaan Haweenka Ku Dhaqan Deeganadda koonfur Galbeed Si Loo Helo Haween Waxbartay

Wasiiradda Haweenka Marwo Faiza shariif Nuur Oo ayadana Hadal Qiiro Leh Jeedisay Ayaa Sheegtay In Haweenka Soomaaliyeed Gaar Ahaan Kuwa Ku Dhaqan Kgs Ay La Kulmaan Tacadiyo Ka Dhan Ah Xuquuqul Insaanka kufsi Dil Iyo In Aysan Helin Xuquuqdooda
Wasiiradda ayaa Sidoo Kale Sheegtay In Haweenka Aysan Helin Wax Cadaalad Ah

Gabagabadii Wasiirad Faiza Shariif Nuur ayaa Madaxaweyne Abdiasiis Lafta’gareen Gudoonsiisay Shahaado Sharaf uu Ku Muteystay Garab Istaaga Haweenka Iyo Sida Marwalba U Garab Taaganyahay Habalaha Soomaaliyeed Gaar Ahaan Kuwa Ku Dhaqan Koonfur Galbeed.