Wasaaradda Haweenka oo ka hadashay Qoondada Haweenka

Wasiirka Haweenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali (Samatar) oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegtay weli in si rasmi ah aan loo xaqiijin Qoondada Haweenka ee Boqolkiiba Soddon oo ay ku leeyihiin Dowladda cusub.

Sahro Maxamed Cali (Samatar) ayaa sheegtay Maamul Goboleedyada ka jira Dalka Baarlamaanadii lagu soo doortay in ay ka heleen Qoondo kala duwan, balse weli si rasmi ah aan loo gaarin xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Wasiirka Haweenka waxa ay sheegtay kuraasta hada ay ka yaalaan dacwo in ay rajeyneyso in lagu buuxiyo Qoondada Haweenka, maadaama hada ay hayaan Boqolkiiba Saddex iyo Labaatan.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa horey isugu raacay in si rasmi ah loo xaqiijiyo Qoondada Haweenka ee Boqolkiiba Soddon.