Wasaaradda maaliyadda oo BFS horgeysay wax ka bedelka sharciga hanti dhawrka

Wasaarada Maaliyada ee Soomaaliya ayaa maanta golaha shacabka horgeysay wax ka badalka sharciga hanta dhowrka guud ee soo baxay 14/04/1972.

Kulanka waxaa soo xaadiray 152 Xildhibaan, waxaana shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda wasaarada maaliyada sida wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Mudane C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Xisaabiyaha guud, Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo xubno kale.

Wasiiru dowlaha Wasaarada maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sharaxay wax ka badalka lagu sameeyay sharcigaan iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Xildhibaanada golaha shacabka ayuu ugu baaqay iney waajibkooda ka gutaan kuna daraan talooyinkooda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddiga maaliyada ee golaha shacabka lagu wareejiyay sharcigaan wax ka badalkiisa lagana sugayo iney ka soo shaqeeyaan.