Wasaaradda WaxbarashadaKG Oo Tababar mudo 7 maalmood socon doona u furtay Macalimin-SAWIRO

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta tababar mudo 7 maalmood socon doona u furtay Macalimin gaaraysa 301 macalin. Tababarka ayaa lagu kala qabanayaa degmooyinka kala ah: Baydhowa, Barawe, Diinsoor iyo Wanleweyn.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Engr Abdifatah Isak Mohamed, ayaa si rasmi ah u daah furay tababarka macalimiinta, isaga oo ku dhiirigeliyay inay shaqada macalinimo tahay Amaano bulshada loo hayo, ayna muhiim tahay in ubadka la siiyo waxbarasho fiican.

Tababarkan ayaa waxa uu u gaar yahay Macalimiinta wax u dhigi doonta Waxbarashada aas aasiga ee deg dega ah oo ay fulinteeda iska kaashanayaan Hay’adda USAID.
Dumarka Macalimiinta loo soo xulay ayaa tiradoodu gaaraysaa 28% si ay Wasaaradda u dhiiri geliso waxbarashada dumarka oo muhiim iyo aas aas u ah barbaarinta ubadka Soomaliyeed