Wasaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka KGS oo Aqoon isweydaarsi u Qabatey Gabdhaha Waxbartey

Wasaradda Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka KGS ayaan qabatey Kulan ku saabsan dood iswaydaarsi u dhaxeeya gabdhaha waxbartay ee koonfur galbeed iyo isku xirka Haweenka Baay & maamulada dowladaha hoose ee degmooyinka Baydhabo iyo Berdaale.

Kulanka dooda oo qaban qaabadeeda lahayd wasaarada Haweenka, Arimaha qoyska iyo Xaquuqul insaanka Dowlad Goboledka ayaa waxaa fududeynayen Hayadaha CRD iyo FCA.

Masuuliyintii lagu casuumay dooda oo kamid ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Baydhawa, Gudoomiyaha Degmada Berdaale, Gudoomiyaha Haweenka gobolka Baay iyo masuuliyin kale aya la waydiiyey su’aalo laxiriira aqabadaha hortaagan gabdhaha waxbartay ee ku biiraya siyaasada iyo sidii wax loogu qaban lahaa oo ay qoondadooda ku heli lahaayeen.