Wasaradda Haweenka KGS oo Mashruco Kor Loogu Qaadayo Doorka Haweenka ka furtey Degmada Xudur

Wasaradda Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Mashruco Kor Loogu Qaadeyo Doorka Hawenka  Degmada Xudur uga furtey Haweenka Degmadaasi.

Mashruucan Tababarka ayaa ahaa mid kor loogu qaadayo Doorka Haweenka ay ka qaadan karaan arimaha Siyaasada iyo Arimaha kale ee deegaanadan Koonfur Galbeed ka jira oo ay Kow ka yihiin arimaha siyaasada Nabada iyo wixii lamid ah

Ugu horeyn haweenka kulankaasi loo qabtey oo meesha ka hadley ayaa sheegey in si weyn ugu faraxsanyihiin isla markaana si weyn u soo dhaweeyey tababarka loo furey.

Sidoo kale waxaa meesha ka hadley Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed wuxuuna sheegey in Mashruucyadan ay horeyba uga ballan qaadeen Maamulka KGS ayna sugayaan kuwo kale oo lagu horumarinayo Bulshada iyo Deegaanadaasi.

Ugu dambeyn waxaa meesha ka hadley wasiirada wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Koonfur Galbeed Somaliya Nadiifo Carmiye Cabdullahi waxaana ay sheegtey Mashruucan kor loogu qaadayo doorka Haweenka in uu socon doono Mudo Labo Sano ah.

Waxaana ay sheegtey in ay ku dadaali doonaan Sidii Kor loogu qaadi lahaa doorka Haweenka arimaha Bulshada iyo Siyaasada.Mashruucan ayaa gacan ka siinaya Wasaarada Hay’ado ay ka mid yihiin SSF iyo CRD