Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir ka socda Garoowe

Shirkii wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada uga socday Magaalada Garoowe oo galay Maalintii 5-aad ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Muhiimadda kulankan ayaa ah in si wadajir ah looga tashado, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada maaliyadda Dalka.

Qorshaha maaliyadda Dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Geba-gaada Shirka wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in War-murtiyeed laga soo saaro.