Wasiir Beyle oo qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka

Magaalada muqdisho waxaa Maanta soo gaaray wafdi ka socda Bangiga Aduunka iyo Dowladda Switzerland oo kamid ah dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga waxaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

“Sharaf ayay ii aheyd in aan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyo Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka.Waxaan ku faraxsanahay in Dowladda Switzerland ay sii wado taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka ay horseeday in Caalamku si dhab ah u garab istaago Soomaaliya.