Wasiir Beyle oo qaabilay Wiil Naafo ah oo ka qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud oo ah Wiil Naafo kaasoo ka mid ahaa arday shalay ka qalin jebisay Jaamacadda SIMAD.

Wasiir Beyle Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xafiiskiisa ku qaabilo Ismaaciil Axmed oo ka qalin jebiyay Kuliyadda Bankigga iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismaaciil Axmed oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD.. Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad” ayuu Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.