Wasiir Juxa oo gaaray Doolow

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa gaaray degmada Doolow ayagoo u sii gudbi doona Beledxaawo .

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbaahinta u sheegay in Wasiirka uu Magaalada Baledxaawo u tagi doono Xaaladda kacsan ee ka jirta.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shacabka Magaalada Baledxaawo ayaa maalmihii lasoo dhaafay cabasho ka muujiyay dhibaato ay ku hayaan Ciidamada dowladda Kenya.