Wasiir Sabriye oo ka nixiyay Ahlusunna kuna dhawaaqay War xasaasi ah

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug, kadib markii Maanta uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in aan loo hakan doonin tabashada Ahlusunna Waljameeca ay ka qabto Doorshada Galmudug, isla markaana Doorshada ay ku dhici doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Isaga oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu tilmaamay in Ahlusunna aysan caqabad ku noqon kari in Bulsho dhan loo dhiso maamul Cusub.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya in haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee Doorshada.

Weli ma jiro wax xal ah oo laga gaaray Khilaafka u dhexeeya Hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan fulinta heshiis ay horey uga wadeen labada dhinac, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug Ahlusunna laga siiyo 35 Xildhibaan.

Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ay dhici doonto inta u dheeeysa 17-23-ka Bisha soo socota ee December ee 2019.