Wasiirada Amniga & Gaadiidka oo hortagaya Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lafilayaa in Maanta oo Axad ah ay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa Maanta oo kale inta badan waxaa ay ahaayeen kuwo fasax ah,hayeeshee Guddoonka Golaha uu sheegay in Maanta kulanka uu jiro,isla markaana ay hortagayaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in si deg deg ah looga dalbanayo in Axadda Maanta ay Golaha hor yimaadaan labada wasiir,isla markaana Xildhibaannada dhankooda laga doonayo inay la xisaabtamaan Wasiirada.

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana kulamada noocaan oo kale ah inta badan ka dhalan jiray dodo iyo murano la xiriira ajandaha laga hadlayo iyo Saxaafadda oo inta badan loo diidi jiray inay ka qeyb-gasho.