Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Dhexe iyo K/Galbeed oo kulan yeeshey.

Wasiirka Gaadiidka Dowlada Federaalka Somalia🇸🇴Mudane Mohamed Abdullahi Omaar Iyo Wasiirka Gaadiidka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Somalia🇸🇴Mudane Hassan Hussein Mohamed (Xasan Eelay)Ayaa Kulan Gaar Ah Yeeshay Kadib Kulan Wadatashi Ah Oo Saakay Iskugu Yimaadeen Qaar kamid Ah Wasaaradda Gaadiidka Dowlad Goboleedyada Dalka Iyo Wasaaradaa Gaadiidka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Omaar Ayaa Wasiir Eelay Ku Amaanay Sida Wanagsan Ee Ay Wasaaradiisa Ula Shaqeyso Wasaaradaha Kale Iyo Sida Dhaw Uu Ugu Xiranyahay Wasaarada Gadiidka Federaalka Si Shacabka Koonfur Galbeed U Helaan Garoomo tayo Leh.