Wasiiradda dalalka Geeska Afrika oo kusii jeedda Jabuuti

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusii jeedda Caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Wafdiggaan hoggaaninaaya ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Asmara, kuna sii jeedda Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka shaqeynaya sidii loo soo afjari lahaa amuuraha ka dhex taagan labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

Madaxda Geeska Afrika qaarkood ayaa wali ku sugan magaalada Asmara, halkaasi oo ay ka socdaan kulamo kala duwan oo looga hadlaayo soo Afjaridda Xiisadda labadda dal ee Eritrea iyo Jabuuti.

Eritrea iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana muddo ay isku heysteen dhul ku yaalla xadka labadda dal.