Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in Sarkaalkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta shacabka Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed, oo loo yaqaano Ciise Tarabuun ku qabtay Suuqa Bakaaraha.
Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.
Wixii faah faahin kala soco wararkeena dambe