Wasiirka Arrimaha Dibadda oo New-york kula kulmay Diblomaasiyiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Ahmed Isse Awad ayaa magaalada New-york ee dalka Mareykanka kula kulamay u qaabilsanayaasha QM wadamada Chine, Russia & Kuwait oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi ee ka dhexeeya dalka Soomaaliyada iyo wadamadooda.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad wakiilada QM ujoogo New-yorka Sida Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kulamada Wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanaha QM ee Soomaaliya Amb. Abuukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam & iskaashi.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka ay Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.