Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadlay Qalalaasihii ka dhacay Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Shaqaaqaddii Maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya taasoo ka dhalatay xariga Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadaasi uu soo farageliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, islamarkaana laga gaaray xal kumeel gaar ah.

Wasiirka Cawad ayaa sheegay in ciidanku ay wateen warqad maxkamadeed oo ay ku sheegeen inay ku doonayaan inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka balse markii dambe uu soo faragaliyay arinta ra’isul wasaare Khayre isla markaana dib loo celiyay ciidankii wasaarada yimid iyadoo wasiir kuxigeenku uu shaqadiisa dib ugu laabtay si caadiya.

Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale tilmaamay in dhacdadaan ay aheyd mid walwal badan ku abuurtay.

Xilli hore saaka ayaa waxaa xiisad ay ka dhalatay kaddib markii ciidamo dowladda ka tirsan ay isku dayeen inay wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibada ka soo xiraan xarunta wasaaraddaasi.