Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ee ku qabsoomay Addis Ababa SAWIRRO

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalaya kulanka caadiga ah meertadiisa 47aad ee Golaha Wasiirada Urur goboleedka IGAD oo ku qabsoomay Magaalada Addis Ababa, lagagana hadlaya nabadgelyada, siyaasadda iyo geedi socodka nabada ee South Sudan.

Intii kulanka uu socday, Wasiir Cawad waxa uu kulamo doceedyo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee South Sudan, Marwo Awut Deng Acuil, iyo Xoghayaha sare ee Maamulka (Kaaliye wasiir) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya, Mudane Ababu Namwamba.

Qaar badan oo ka mid ah wadamada xubnaha ka ah IGAD ayaa qaba aragti ah in isbadal lagu sameeyo qaab dhismeedka ururka si hore loogu socdo si wax badan uga qabsoomaan xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

Shir madaxeedka 13aad ee Hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda Dowladaha IGAD ayaa la filayaa in uu furmo Maanta oo Jimco ah, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu ka jeedin doono khudbad uu diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan.