Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmey Madaxweynaha Bankiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta
Bankiga Islaamka ee Jeddah kula kulmey Madaxweynaha Bankiga Islaamka.
Wasiirka ugu horeyntii ayaa Madaxweynaha Bankiga ugu mahadceliyey gargaarka Joogtada ah
uu bankiga u fidiyo dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Bankiga ka codsadey in dowlada Soomaaliya gacan ka siiso si loo sameyn lahaa
Sanduuq “Trust Fund” oo loogu tala galey mashaariicda hurumarinta oo la rabo in laga hirgeliyo
dalka Soomaaliya.