Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeele oo Gaarey degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa wxaa Maanta ay gaareen degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo ay qeyb ka ahaayeen wasiiro katirsan Hir-Shabelele ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Buulo Burde kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Buulo Burde.

U jeedka wafdiga Wasiirka ay u tageen ayaa waxaa lagu sheegay xalinta xiisad maalmahaan ka jirtay taas oo ku aadan khilaf ka dhashay maamul Cuusb uu Wasiirka u Magacaabey degmadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa bilaabey kulamo uu la qaadanayo Odayasha iyo Waxgaradka degmada si xal looga gaaro xiisadaas.