Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle oo kahadlay xiisada Buula burde

Iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay xiisad dhinaca maamulka ah ka jirtay Magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii ka dhacay Buulo-Burde ee ahaa banaanbaxa rabshadaha watay ee sababay dhimasha halka ruux iyo dhaawaca labada kale.

Waxaa kaloo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalmaha soo socda ay tegi doonaan Buulo-Burde si ay uga qeyb qaataan xalinta xiisada ka dhalatay maamulka cusub ay u Magacaabeen degmadaas.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada buulo-Burde iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen Maamulka Cusub ee uu Wasiirka u Magacaabey degmadaas iyo socdaal lasheegay in uu ku tegayo.

Hayeeshee Wasiir Caadle ayaa ugu baaqay dadka ku noolBuulo-Burde in ay ka shaqeyaan nabadgelyada Magaalada si xal waaro looga gaaro arimaha ka jira degmada Buulo-Burde.