Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ugu baaqay duubabka dhaqanka ka maqan shirka Jowhar inay ku soo biiraan (Sawiro)

odowaaApril 15 (Radio Baidoa)—Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/maan Maxamed XuseenOdowaa ayaa ugu baaqay qeybaha weli ka maqan shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan isagoo gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka sh/dhexe.

Wasiir Odowaa oo ka soo laabtay dalka Sudan ayaa sheegay in uu dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar in la dardargeliyo wareegga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayna ogaadaan halka uu marayo shirka dhowaan ka furmay magaalada Jowhar.

“Waxaan ka soo ambabaxay magaalada Khartoum saaka waxaana  nagu weheliya safarka oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Hiiraan una yimid inay shirka ka qeybqaataan waxana aan ugu baaqeynaa inta maqan inay ka soo qeybqaataan taladana waan naga wada dhaxeysaa.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo la hadlay saxaafada markii uu ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa la hadlay saxaafada mid kamid ah odayaasha la socday wasiirka waxana uu sheegay in  aysan shirka diidanayn raalina ka yihiin, ayna doonayaan in labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ay la mid noqdaan maamulada kale eek a jira dalka.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Cali Cabdullahi Xuseen.

Waa safarkii labaad oo muddo toddobaad gudahiis ah uu ku yimaado magaalada Jowhar wasiirka arrimaha gudaha waxaana uu 12kii bishan uu si rasmi ah u furay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol. Shirka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka qeybgalayay duubabka dhaqanka iyadoo duubabkana ay sameysteen guddiyo ka shaqeeya howlaha shirka.

WAFDI JOWHAR (9)

WAFDI JOWHAR (7)

WAFDI JOWHAR (6)

WAFDI JOWHAR (5)

WAFDI JOWHAR (4)

 

WAFDI JOWHAR (2)

WAFDI JOWHAR (1)