Wasiirka Cadaaladda oo guddoomiyey Shir ay ka qeyb galeen Hay’ado Caalami ah[SAWIRO]

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka qabsoomay shirka Saddex biloodlaha ah ee Rule of Law working group ee ay isugu yimaadaan dhammaan Hay’adaha Bahda Cadaaladda Heer Federaal iyo Heer Dawlad-goboleed iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah.

Shirka waxaa wada shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Cadaadda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Safaaradda Netherlands waxaana la joogay Madaxa Midowga Yurub, Madaxa Fulinta UNSOM, Xeer-illaaliyaha Qaran iyo Wasiirka Cadaaladda Koonfur-galbeed.

Shirka ayaa waxaa lagu soo wada bandhigay wax qabadkii sanadkaan dhamaanaya iyo hormarka ay ku tilaabsadeen Hay’adaha Bahda Cadaaladda ee Heer Federaal iyo Maamul Gobaleed.