Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Turkiga-SAWIRO

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Turkiga oo uu hogaaminayey Dr Cevdet ERDOL.

Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa isla soo qaaday samaynta sharciga jihaynta Caafimaadka dalka

Wafdiga ka socday dalka aan walaalahanay ee Turkiga ayaa balanqaaday in kaalin weyn ay ka qaadanayaan hourmarka iyo tayada Caafimaadka Soomaaliya

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga oo mar waliba jecel inay horumar sameeyaan hay’adaha kala duwan ee caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in Wasaaradda cadaaldda ay awoodeeda isugu gayn doonto qaabkii loo samayn lahaa sharci qeexaya tayada iyo badqabka Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Caafimaadka Dalka.