Wasiirka Cadaaladda XFS Oo la kulmay Golaha Deegaanka Degmada Waajid iyo ururka Haweenka (SAWIRO)

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay golaha deegaanka iyo ururka haweenka Degmada Waajid, kaasi oo ku saabsanaa in wadajir ah looga wada shaqeeya amaanka iyo horumarka Degmada, iyada oo la garabsanayo ciidamada Ammaanka

Haweenkii ka hadlay kulanka ayaa mas’uuliyiinta u soo bandhigay marxaladda ku gadaamay nolol ahaan, iyaga oo sheegay inay u baahan yihiin in loo sameeyo shaqo abuur, loona dhiso xarun ay ku kala warqaataan, iyaga oo balan qaaday inay la shaqayn doonaan Ciidamada Ammaanka

Dhanka kale kulanka dhexmaray Golaha deegaanka, Guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo Wasiirka Cadaaladda ayaa gu horayn waxaa lagu bogaadiyey doorashadii ay ku soo baxeen Xildhibaannada Golaha deegaanka iyo guddoonkoodaba.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Dhuurow iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa si wadajir ah u faray golaha deegaanka, madaama ay codka bulshada si dhab ah ay ugu adeegaan bulshadii soo dooratay.