Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho gaaray

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney iyo Xubno kale oo la Socday..

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaada muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Intaasi kadib Wafdiga ka socda dowladda Airland ayaa waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga & Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal & taageero dhinaca Amniga ah oo la siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wafdiga ka socday dowladda Airland ayaa uga mahad celiyay wasiirada Dowladda Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya ka garab istaagi doonaan taageero dhinaca Amniga ah.

Wafdiga uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.