Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Oo gaarey Degmada Xuddur-SAWIRRO

Wasiirka Gaadiidka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey Degmada Xuddur ee Caasimada Gobolka Bakool.

Safarka wasiirka ee Degmada Xudur ayaa ku qotoma ukuurgelida xaalada guud ee Degmada Xudur iyo kormeerida howlo shaqo oo ka socda Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Xudur.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotey Maamulka Gobolka Bakool oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow iyo duqa Degmada Xudur.