Wasiirka Howlaha Guud oo hortagay Golaha Shacabka

Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo isla maanta xubnaha Golaha Shacabka ay soo gaba gabeeyeen Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkan.