Wasiirka Qorsheynta XFS oo Maanta Aqalka Sare Horgeeyey Sharciga Istaatistikada

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Amb. Jamaal M. Xasan, ayaa maanta fadhi ay yeesheen Golaha Aqalka sare ee Baalamaanka Soomaaliya ka hor akhriyey nuxurka sharciga lagu maamulaayo Istaatistikada Qaranka ee dawladda Soomaaliya kaas oo 28kii October 2019 ay soo ansaxiyeen Xildhibbaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

Fadhigan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Aqalkaasi Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi sidoo kale na ay ka soo qeyb-galeen mudaneyaal tiro badan, ayaa waxa Wasiir Jamaal kulankiisa ku wehelinaayey Agaasimaha guud ee Istaatistikada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Md.Cabdiraxmaan Cumar Daahir iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda.

Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo hadalkiisa ku dheeraaday, ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimadda uu sharciga Istaatiskadu u lee yahay JFS, waxaana uu xusay in sharcigan lagu dhisaayo hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya oo ka madax-bannaanaan doonta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya.

“Ujeedada ugu muhiimsan ee sharcigan ayaa ah in sharcigani uu beddelo sharcigii Istaatistikada Soomaaliya ee ahaa Lambar 35, kaas oo soo baxay lana ansaxiyey 18kii, bishii 6aad 1970kii si loogga jawaabo baahida dalka loona waafajiyo nidaamka Federaalka ee dalku qaatay sidoo kale na loo horumariyo haykalka iyo hannaanka wax-qabad ee qeybaha kala duwan ee Istaatistikada JFS. “. Ayuu yidhi Amb.Jamaal M. Xasan

Wasiirka Qorsheynta JFS oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Sharcigani waxa uu dhisayaa hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ah hay’ad u xil-saaran qaadista, diiwaan-gelinta, uruurinta, isku-duwidda xogta, falan-qeynta, qiimeynta iyo faafinta xogta rasmiga ah ee Qaranka, gaar ahaan xogta dhaqan dhaqaale, arrimaha bulshada iyo waxyaabaha saameynaaya nolosha shacabka Soomaaliyeed oo idil.”.

Amb. Jamaal, ayaa waxa kale oo uu sheegay in hay’adda Istaatistikada Qaranka ee JFS ay noqon doonto mid ka mas’uul ah hubinta iyo xaqiijinta xogaha iyo macluumaadka kala duwan ee ay dalka ka soo saaraan hay’adaha kale ee caalamka.
“Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa noqonaysa ilaaliyaha iyo baahiyaha rasmiga ah ee xogta iyo macluumaadka ku saabsan dalka, runtii na sidaad la socotaan maalin kasta xogo iyo macluumaad kala duwan ayaa lagu daabacaa caalamka oo hay’ado kala duwani soo saaraan iyada oo aan laga hubin laga na xaqiijinin hay’adaha wadanka, markaa waxay noqonaysaa meeshi lagu hubin lahaa xogahaas iyo maclumaadkaas oo dhan.”.Ayuu yidhi Jamaal Maxamed Xasan.

Dhinaca kale, Guddida Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa iyagu na boggaadiyey sharcigan Istaatistikada, waxaana ay sheegeen in tallaabadani ay horumar u tahay qaranka Soomaaliya isla mar ahaantaana ay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ay ku ammaanayaan dedaalkii dheeraa ee ay gelisay sharciga Istaatistikada.