Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS ayaa maanta soogabagabeeyey Sawiro

Mudane Cabdi Aadam Hoosow Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS ayaa maanta soogabagabeeyey shirka wadatashiga horumarinta iyo Aas Aasida Haayadda Jidadka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah kasoconayey magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa kaqayb galayey Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, Agaasimeyaasha & Injneerada Wasaaeradda Howlaha Guud.

Mudadii uu shirku socday waxaa la iskuwaydaarsaday aragtiyo mira dhal ah oo laxiriira sidii loohorumarin lahaa Haayadda Jidadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud Wasaaradda Hawlaha Guud ee dowladda Koonfur galbeed mudane Yussuf Wadani ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiinti goobta ka hadashey

Cabdi Aadam Hoosow ayaa kaqayb galayaasha ku ammaanay shaqada culus ee ay qabteen mudada saddexda cisha ah ee uu shirku soconayey waxa uuna sidookale kula dardaarmay in ay halkaa kasiiwadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta haayadda jidadka soomaaliyeed.