Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KG Oo Kormeer sameeyey(Sawiro)

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamud Mohamed Kheyre iyo Agaasimaha madaxtoyada Koonfur Galbeed Abdulahi Ali Watiin iyo Agaasimaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Koonfur Galbeed Sharma’arke Mohamed Kulow ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Wasaaradaha Koonfur Galbeed iyagoo indha indheynayey qaabka shaqadu ay u socoto.

Ujeedada kormeerkan ayaa waxaa ay mas,uuliyiintu ay ku sheegeen sidii ay u soo indha indheyn lahaayeen sida ay u socdaan Howlaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.