Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada KG oo ka qeybgaley Shir lala qaatey Wafdi ka socdey Dowlada Sweden

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane #Maxamuud_Maxamed_Kheyre ayaa Maanta ka qeybgaley isla markaana qeyb ka ahaa Shirkii Maanta ka dhacay Madaxtooyada KGS ee ay la qaateen Wafdigii uu Hogaaminayay Safiirka Sweden ee Somalia Mr. Staffan Tillandar oo maanta Boqasho ku yimid Magaalada Baydhabo,

Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka ahaa Gudomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Ahna ku simaha Madaxweynaha iyo Qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed,

Waxaana kulanka intiisa badan looga hadley horumarka iyo baahiyaha ka jira Deeganada KGS , sida Arrimaha Amaanka ,Caafimaadka, iyo Qodobo kale,

Waxana Dowladda Sweden ay ballan qaadey In ay wax badan ka qaban doonto Baahiyaha gaarka ah ee ka jira Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Dhanka kale Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa uu kulan la qaatey Ururka Haweenka Deeganada KGS , kulankaasi oo ay qeyb ka eheed Wasiirka Wasaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul insaanka Dowad Goboleedka kGS Maro Fa’iso Shariif,

Waxaana kulanka la isku dhaafsadey baahiyaha Ka jira KGS ,iyo Caqabadaha ku hordadban Horumaka Deegnada KGS,

Ururka Haweenka KGS Iyo wasaradda ayaa warbixino ka siiyeen SafiirkaWaxyaabaha Baahiyaha loo baahan yahay in Dowladda Sweden ay wax kala qabato,

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ahna Guddomiyaha Gollaha wakiilada KGS Mudane Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa ka warbixiyay Ujeedada Wafdiga Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Maanta usoo gaareen Magaalada Baydhabo.