Waziir Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Aswan Dhiggiisa dalka Masar iyagoona Kwada hadalay Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Aswan , dhiggiisa dalka Masar, Mudane Sameh Shukry, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii lagu xoojin lahaa oo dhinacyo kala duwan leh.

Labada wasiir ayaa waxa ay isla fallanqeeyeen muhiimadda ay leedahay hore u dhaqaajinta geedi socodka wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u adeegaya dano wadaagga laba dal ee walaalaha ah, iyadoo sidoo kale kulanka la iskula eegay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac ay danaynayaan.

Dowladda Masar ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay xiriir joogto ah la laheyd Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana dhowr mar tegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.