Waziir Goodax oo walaac kamuujiyey xaalada Beledweyne

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa aad uga dayriyay Xaaladda ay ku sugan yihiin Shacabka Beledweyne.

Wasiir Goodax waxaa uu sheegay in dhibaato weyn ay soo gaartay Shacabka Beledweyne , islamarkaana ay sanado badan ay qaadan doonto in laga soo kabto dhibaatadda dhacday.Waxaa uu sheegay in dhammaan adeegyadii kaabayay Nolosha Shacabka Beledweyne ay meesha ka baxeen, islamarkaana ay luntay noloshii Shacabka.

“Magaalada Biyaha kaliyah mahan waxaa lumay noocii ay dadku u noolaayeen kii beer lahaa beertii biyaa fadhiya in uu wax tacbi doono ma muuqato, kii ganacsi lahaa ganacsigii barakac ayaa ku yimid kuwii Khudaarta dhoofin jirtay oo ilaa gobolada Bari iyo Waqooyi geyn jirtay Ganacsigoodii waa Istaagay, Ardaydii Iskuullada banaanka ayay jooggaan” ayuu yiri Wasiir Goodax oo ka hadlaayay Magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyntii Wasiir Goodax ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lasii waddo u gurmashada Shacabka Magaalada Beledweyne oo uu sheegay in dhibaato badan ay gaartay
.