Weerar ismiidaamin ah oo lagu weeraray Saraakiil katirsan Ciiddanka Xooga oo ku sugan Gaalkacyo

Gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray hotel kuyaala koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil uu kamid ahaa taliyaha ciiddanka lugta Soomaaliya sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha, saraakiil iyo masuuliyin kale oo ku sugnaa gudaha hotelka ayaa ka badbaaday weerarkaan, waxaana khasaare uu soo gaaray ciiddankii ilaalada u ahaa taliyaha iyo dad shacab ah.

Weli lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca, waxaana wararku ay sheegayaan in gaariga ismiidaamiyaha uu ku dhacay mid kamid ah gaadiidka ciiddanka ilaalada taliyaha.

Ilaa iyo hadda Radio Baidoa macluumaad dheeraad ah kama helin, waxaana socda gurmadka dadkii ku waxyeelobay qaraxa.

Weerarka ayaa ka dhacay goob aad u mashquulsan badan oo ay ku badan yihiin gaadiidka iyo dadweynaha.

Wixii faahfaahin ah kala socda Radio Baidoa.net