Wiil Dhallinyara ah Oo lagu Dilay Duleedka Magaalada Baydbabo

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Wiil dhalinyaro ah oo ahaa qof shacab ah waxaa ay ku dileen duleedka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Dilka ayaa sigaar ah uga meel ku dhow Bar koontaroolka laga soo galo Magaalada Baydhabo, waxaana wiilka uu u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, xili uu halkaas ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi lagu magacaabi jirey Cumar Elhadadi, isagoona kamid ahaa dhalinyarada kunool magaalada Baydhabo,

waxaana goobta uu falku ka dhacay Meydkiisa kasoo qaaday qaar kamid Eheladiisa.

Weli Lama oga sababta keentay in la dilo Cumar, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay duleedka Magaalada Baydhabo oo loo geystay dad shacab ah iyo Askar Ciidan.