Xaaf oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qarax caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa lala eegtay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.