Xaafidul-qur’aan u dhashay Somalia oo Kaalin Sare ka galay Musaabaqadda Qur’aan-Akhriska ee lagu qabtay Sacuudiga.

(Radio Baidoa, 13 November 2015) Wareegii 37-aad ee Musaabaqadda Tartanka  Akhrinta Qur’aanka Kariimka ee  ka socday Masjidka Barakaysan ee Maka Al-mukarama ayaa la soo gebagebeeyey.

Musaabaqadaasi oo ay ka qeyb galeen 124 Tartame oo ka kala socday 60-Waddan ayaa waxaa sannadkiiba mar lagu qabtay dalka Sacuudiga.

Tartamayaasha Qeybta Koowaad ee Musaabaqadaasi waxaa ku kala guuleystay:-

Kaalinta Koowaad Tartame u dhashay dalka Algeria oo lagu magacaabo C/llaahi Mustad Caraybi, waxaana la siiyey Abaalmarin Lacageed oo dhan 120,000 oo Riyaaka Sacuudiga.

Kaalinta Labaad waxaa galay Tartame Maxamed Dokow oo u dhashay dalka Nigeria, waxaana lagu abaalmariyey lacag dhan 100,000 oo Riyaalka Sacuudiga.

Kaalinta Saddexaad waxaa galay Tartame u dhashay Somalia oo lagu magacaabo C/naasir Maxamed Yusuuf, kaasi oo lagu abaalmariyey lacag dhan 80,000 oo Riyaalka Sacuudiga.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan inuu Tartankaasi ka qeyb galay wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaaboC/samad Bin Omar Maxamed waa 8-jir, kaasi oo  Xaafidul-qur’aan ah, Maasha Allaah.

Guddiga Musaabqadda waxay sheegeen inuu  Rabbi u sahlay C/samad Bin Omar Mohamed inuu xafido Qur’aanka, isla markaana uu  Cod Macaan ku akhriyo Qur’aanka Kariimka..